Maamulka degmada Luuq oo bilaabay dib u dayactir lagu sameynayo buundooyinka iyo jidadka ay burburiyeen fatahaaddaha.

0
94

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo oo gacan kahelayo shacabka degmada ayaa bilaabay dhismaha wadooyinka iyo buundooyinkii ku burburay fatahaada wabiga Jubba.

Guddiga loo xilsaaray dhismaha wadooyinka buundooyinka iyo eeraboorka ayaa bilaabay dhismaha goobaha danta guud si ay usoo noqdaan adeegyadii bulshada.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.