Maamulka Galmudug oo dhuusmaareeb ka daah furay mashruuc lagu dawaynayo hal malyan oo neef.

0
212

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa dowlada Galmudug mudane Abdullahi Abdirahman Tootoole ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlada Galmudug ka daah furay mashruuc lagu dawaynayo 1 milyan oo xoolo ah oo ku nool deegaanada Galmudug.

Munaasabada daah furka mashruucan lagu dawaynayo xoolaha Galmudug ayaa waxaa kasoo qayb galay madax katirsan labada gole ee Galmudug oo uu ugu horreeyo wasir kuxigeenka wasaarada,wasiirka wasaarada warfaafinta dowlada Galmudug, Agaasimaha wasaarda Xanaanada xoolaha Galmudug Dr suleemaan maxamed Saalax, xildhibaano katirsan baarlamanka Galmudug iyo gudoomiyaha ururka dhakhaatiirta xoolah ee “CERELPA”Dr Abdulkadir Abdi Mohamed.

Warbixintan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud