Maamulka Galmudug oo mamnuucay jarista dhirta

0
96

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo jarista iyo ka ganacsiga dhuxusha si looga hortago xaalufinta deegaanka waxaana sido kale la mamnuucay ugaarsiga iyo dabar goynta duur joogta si aaney dalka uga dabar go,in duur joogta oo inta badan la u gaarsado.

Wasiirka Deeganka iyo isbadalka cimilada Galmudug Senetar Saciid siyaad shirwac oo shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa dhuusa mareeb ayaa ka hadlay Jarista dhuxusha iyo dabar goynta Duur joogta.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.