Maamulka gobolka Banaadir oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka baahiyaha gaarka qabo

0
97

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ku qaabilay ku dhawaad boqol qof oo kamid dadka baahiyaha gaarka qaba, kuwaas oo la gudoonsiiyay deeq raashin ah oo loogu talagalay in ay nolashooda kuu maareeyaan.

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u wareestay dadka baahiyaha gaarka qaba, isaga oo ka dhageestay warbixina la xariira xaaladaha ay ku nool yihiin iyo waxa ay u baahan yihiin in laga taageero, isaga oo balan qaaday in maamulkiisa uu had iyo jeer garab taagan yahay sidii dadka baahiyaha gaarka qaba u heli lahaayeen fursada ay nolashooda ku hormariyaan.

Warkan waxaa inoo haya C/qaadir Cumar Ibrahim