Maamulka gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay Dhismaha Wadada Laamiga cusub ee Dalxoreeye.

0
114

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Dhismaha Wadada Laamiga cusub ee Dalxoreeye, taasi oo isku xireysa Laamiga 21 October ee Degmada Waaberi iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla markaana dhexmarta Wadada hada loo yaqaano Jaay-ga.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doonno dhismooyinka kusoo xad-gudbay wadadaaan, maadaama dhismaha wadadaan loo qorsheeyay in ay noqoto mid labo dhinac ah, iyadoona muhiim u ah isku socodka iyo isku xirka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Magaalada inteeda kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.