Maamulka gobolka Banaadir oo dhagax dhigay xarunta Degmada Wadajir

0
152

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee xarunta Degmada Wadajir oo lagu dhisi doono iskutashi dadweyne kaas oo qeyb ka ah barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal Dollar.

Munaasabada dhagaxdhiga wax ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir gudoomiyaha Degmada wadajir iyo qaar kamid ah Bulshada degmada wadajir.

Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.