Maamulka Gobolka Banaadir oo la wareegay xanaanada caruur agoon ah

0
103

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ula wareegay xanaaneynta caruurta dhigata School-ka ummu Mu’miniin Caaisha oo ku yaalla degmada Xamar Weyne kaasi oo ay ku jiraan 173-gabdhood oo agoon ah.

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u kormeeray fasalada ay wax ku bartaan gabadhaha agoonta ah, goobta ay ku cunteeyaan iyo goobta ay seexdaan isaga oo warbixin kooban ka dhageestay maamulka xarunta daryeelka ummu Aisha.

Warbixintaan waxa soojeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.