Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku wareejiyay Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SODMA) si loogu taaageero gurmadka abaaraha ka jira Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.
Wareejinta deeqdaan lacagta ah waxaa goobjoog ka ahaa, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan XFS oo si gaar ah u matala shacabka gobolka Awdal,
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi


