Maamulka gobolka Banaadir oo Muqdisho ka dhagax dhigay xarun haweenka lagu baridoono farsamada gacanta

0
98

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo guddoomiyaha degmada shibis Cali Soomaali ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay xarun haweenka lagu bari doono farsamada gacanta taasoo laga hirgelinayo degmada Shibis.

Munaasabada dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamuud Jaamac (Baarqab), guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Banaadir, ururka haweenka degmada Shibis iyo marti sharaf kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.