Maamulka gobolka Banadir oo furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir

0
130

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daah furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir oo ay u fariisteen 35,307 Arday Arday oo ka kala tirsan 656 School oo ka mid ah Dugsiyada Muqdisho.

Munaasabada daah furka imitixaanka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Agaasimka waxbarshada Gobolka Banaadir masuuliyiin katirsan maamulka gobalka Banaadir iyo macalimiin.

Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud