Maamulka gobolka Florida ee Mareykanka oo meel mariyay sharci ka dhan ah muhaajiriinta.

0
101

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa dhawaan meel mariyay sharciga SB 1718, oo uu gadaal ka riixayay barasaabka xisbiga Jamhuuriga Ron DeSantis.

Sharcigan ayaa lagu tilmaamay kii ugu adkaa ee ka dhan ah muhaajiriinta.

Sharcigan cusub ayaa soo galootiga aan la diwaan-gelin ka mamnuucaya inay helaan shaqo, kaararka aqoonsiga, adeegyada caafimaadka iyo gaadiid.

Sharcigan ayaa dhaqan-galay 1-dii bishan July.

Sharcigan ayaa ku qasbaya shirkadaha ay ka shaqeeyaan in ka badan 25 qof ama ka badan inay adeegsadaan hannaan lagu xaqiijinayo shaqaalaha (oo lagu magacaabo E-Verify.

Machadka Siyaasadda Soo-galootiga, oo fadhigiisu yahay magaalada Washington ayaa ku qiyaasaya 772,000 muhaajiriin aan diwaan-gashaneyn ay ku nool yihiin Florida.