Baladweyne ( Radio Beerlula )-Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye oo daah-furay shirkaan ayaa ka Hadlay xaaladaha Bini-adanimo ee ka jiro gobalka Hiiraan sidoo kale gudoomiyaha gobalka hiiraan Ayaa Warbixino la xeriiro hoow-lahooda shaqo ka Dhageeystay hay’addaha kala duwan ee ka Howlgalo gobalka hiiraan.
Shirkan oo aay qeeyb ka ahaayen Wasaaradda Gargaarka iyo wasaarada Beeraha iyo waraabka Dowlad Gobaleedka Hirshabeele , gudoomiyaha Degmada Beledweyne Mudane Cumar cismaan Calasoow ayaa waxaa lagu gorfeeyey qodobo Dhowr ah iyo wada shaqeynta guud ee mamulka Iyo hey’adaha Ga-rgaarka iyo Caqabadaha ka jira Dhanka mashariicda iyo sidii loo fulin lahaa.
waxa soo jeedinaya Cumar Yuusuf Aadan


