Maamulka gobolka Hiiraan oo Baladweyne kula kulmay wafdi ka socda WFP.

0
125

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin, ku xigeenkiisa maaliyadda iyo siyaadda gobolka Hiiraan Xassan Ibraahim Cabdulle iyo guddoomiyaha degmada Baladweyne Cumar Cismaan Calasow ayaa xarunta qaramada midoobay ee duleedka magaalada kulan kula qaatay wafdi ka socday hay’adda cunnada adduunka ee WFP.

Kulankan ayaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha hay’adda WFP ka wado magaalada Baladweyne iyo fulinta mashariic cusub oo lagu caawinayo dadka danyarta ah.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey