Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka digay fatahaad uu geysto webiga shabeelle ee dhaxmara Baladweyne

0
242

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xili lagu guda jiro xili roobaadka guga ayaa laga cabsi qaba fatahaad ku dhufata magaalada Baladweyne iyo deegannada uu maro webiga shabeelle, maadaama xiligan webiga uu wado biyo badan oo ka soo rogmaday dhulka buuraleyda ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo shir jaraa’iid ku qabtay Magaalada Baladweyne ayaa bulshada degan hareeraha jiinka webiga shabeelle ugu baaqay inay ka foojignaadan fatahaad uu geysto webiga shabeelle kadib markii uu buux dhaafay.

Warbixintan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin