Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa ka codsaday shacabka gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa magaalada Baladweyne inay is cafiyaan islamarkana ay muujiyaan midnimo.
Yuusuf Axmed Hagar ayaa guul u rajeeyay shacabka reer Hiiraan, isagoo ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul fidriga.