Maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in 55 kun oo qoys ay ka barakaceen fatahaada ku dhufatay Baladweyne.

0
383

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo ay weheliyaan xubno ka tirsan maamulka degmada Baladweyne ayaa booqday xaafadda kooshin gaar ahaan laanta ku tiimbo oo xiligan ay dhax fadhiyaan biyo ka soo fatahay webiga shabelle.

Inta badan qoysaskii ku noolka xaafadda kooshin gaar ahaan laanta ku tiimbo ayaa ka barakacay guryahooda kadib  markii ay sameysay fatahada uu sameeyay webiga shabeelle kuwaasoo miciin bida deegaanka Ceel Jaale ee duleedka magaalada Baladweyne.

Isku duwaha gargaarka iyo mareynta masiibooyinka Xaawo Axmed Maxamed iyo isku duwaha wasaaradda tamarta iyo biyaha Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan Cawil Maxamed Jaamac ayaa si wada jir ah ugu baaqay in la caawiyo dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa sheegay in ku dhawaad  55 kun oo ruux ay ka barakaceen xaafaddaha magaalada Baladweyne, waxana uu ka dalbaday hay’addaha samafalka iyo dowladda federaalka inay gacan ka geystan caawinta dadka dhibaateysan ee ay sameysay fatahaada webiga shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here