Maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in talaabo laga qaadi doono gaadiidkii mara buundooyinka iyo jidadka Baladweyne.

0
174

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin iyo xubno ka mid ah ku xigennadiisa ayaa kormeeray qeybo ka mid ah jidadka magaalada Baladweyne oo burbur xoogan u geystay fatahaadii ku dhufatay magaalada.

Wadada laamiga ee dhaxmarta bartamaha magaalada Baladweyne ayaa ka mid ah meelaha sida weyn u burburka ugu geysatay fatahaadda iyadoo meelaha qaar ay ka qodmeen go’dad waa weyn taasoo keentay in hakad la galiyo gaadiidkii soo gali lahaa magaalada Baladweyne.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey.