Maamulka Hirshabeelle oo balan qaaday keenista matoor casri ah iyo dhismaha Ceelka biyaha deegaanka Xalfooley.

0
153

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa kulan la qaatay waxgaradka iyo bulshada deegaanka Xalfooley ee gobolka Hiiraan, iyadoo kulankan ay goob joog ka ahayeen xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle, agaasimayaal iyo guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa biyaha ka jira deegaanka Xalfooley oo ay ugu horeeyaan sidii matoor loogu heli lahaa ceel biyoodka deegaanka, dhismaha barkad lagu waraabiyo xoolaha, iyo dhismaha qol loogu talo galay matoorka.

Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan

Audio Player

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here