Maamulka Hirshabeelle oo bogaadiyay sida dadka reer Hiiraan ugu istaageen dhismaha buunnada Ceel Gaal.

0
325

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan islamarkana  booqasho ku tagay  buunnada deegaanka Ceel Gaal oo xiligan dib u dhis uu ka socdo ayaa  guul ku tilmaamay isku tashiga ay sameeyeen dadka reer Hiiraan, kuwaasoo u istaagay dhismaha buunnada deegaanka Ceel Gaal oo muhiim u ah isku socdka gaadiidka iyo dadka u kala safra qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Maxamed Cabdi Waare ayaa tilmaamay in buunnadan ay muhiim u tahay dalka,isagoo sheegay in loo baahan yahay in la isku tashado.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in sidoo kale howlahan ay la kaashan doonan xaafiiska qaramada midoobay ee Baladweyne, deeq bixiyaasha iyo qurba joogta.

Dhismaha buunnada deegaanka Ceel Gaal ayaa maraya heer gaba gaba ah.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here