Maamulka Hirshabeelle oo isbedel ku sameeyay xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

0
453

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka ka qaaday  guddoomiye ku xigeenkii  amniga gobolka Hiiraan Khaalid Bashiir Macalin  iyo guddoomiye ku xigenkii  arrimaha bulshada gobolka Cabdiqaadir Maxamed Arwaax islamarkana u magacaabay guddoomiyeyaal cusub.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Sheekh Xuseen Cismaan Cali, halka guddoomiye ku xigeenka amniga loo magacaabay  Cali Diriye Cismaan

Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday guddoomiyihii degmada Baladweyne  Maxamed Axmed Ibraahim, waxana loo magacaabay Cismaan dhicisow Dhuubow..

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale guddoomiyaha degmada Maxaas u magacaabay Cabdi Muumin Cilmi, halka guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda loo magacaabay  Cabdulahi Shuuriye Cawaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here