Maamulka Hirshabeelle oo ku baaqay in la joojiyo coladda ka jirta deegaanno hoos taga Matabaan.

0
317

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ku soo noq noqday Deegaanno Hoos Yimaada Degmooyinka Maxaas, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo fidno ah oo aanan la aqbali karin, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha in ay joojiyaan colaadahaasi, waxaana sidoo kale uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna  uu u rajeeyay caafimaad.

Mudane Maxamed Cabdi Waare  ayaa tilmaamay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama, dagaal wax lagu keeni Karin.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa xusay inay soo arkeen  dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo nabadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here