Maamulka Jubbaland oo amar kusoo rogay dadka ku shaqeysta gaari dameeraada.

0
93

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiir ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Jubbaland Ibraahim Cabdi Xasan ayaa digniin u diray dadka ku xamaasha Gaari Dameerka iyo Dibida ee saara tan xad dhaaf ah oo uusan awoodin neefku,

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, waxa uuna laamaha amaanka faray in ay amar u qabaan cidii ay ku arkaan gaari dameer saaran hal fuusto wixii ka badan in sharciga lamariyo si Maxkamad loosoo taago.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.