Maamulka kaamka Guhaad ee Baladweyne oo codsaday in laga gacan siiyo adeegyada Aas aasiga ah.

0
111

Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiyaha kaamka Guhaad xaafada Kooshin ee magaalada Baladweyne Timiro keeynaan Aadan oo uwarantay Radio Beerlula ayaa sheegtay in kaamka uu qabo baahiyo dhinaca nolosha ah.

Waxa ay sheegtay in ay aysan haaysan adeegyada aas aasiga ah sida waxbarasho caafimaad daro gaar ahaane haweenka marka ay umulayaan ay la kulmaan dhibaatooyin badan iyo sidoo kale aysan haaysan musqulo ay ku gutaan xaajada.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.