Maamulka Laligaha oo codsaday in la badalo goobta lagu ciyarayo kulanka Barcelona iyo Real Madrid

0
339

Baladweyne(Radio Beerlula)- Labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa diiday qorshe ay soo jeedisay La Liga oo ah in la bedelo garoonka lagu ciyaarayo kulnka El Clasico dhamaadka bishaan.

Wargeyska Marca ayaa hoosta ka xariiqay in labada kooxood ay diideen qorshaha ka yimid madaxda horyaalka ee ay ku doonayaan in ciyaarta laga wareejiyo garoonka Barcelona ee Camp Nou loona wareejiyo garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu.

Waxa uu warkaan daba socdaa warkii ay baahisay El Chiringuito kuwaasoo sheegay in Los Blancos ay diidi doono qorshahaan halka joornaaliistayaasha El Mundo Deportivo ay iyagana sheegeen in kooxda Catalans ay sidoo kale diidi doono in kulanka laga wareejiyo Camp Nou.

Codsiga maamulka horyaalka ayaa yimid madaama mudaharaadyo ay ka socdaan gobolka Catalonia ka dib markii dowlada Spain ay xabsi ku xukuntay siyaasiyiinta gobolka ee uu ololeynayay inay Catalonia ka go’odo Spain inteeda kale.

Haddii codsiga la aqbali lahaa waxa ay la micno noqon laheyd in kulanka El Clasico ee 1da bisha Maarso lagu ciyaari lahaa garoonka Barcelona bedelkii lagu dheeli lahaa caasimada Spain.

Kulanka soo socda ee El Clasico ee Camp Nou waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeysay ee lagu ciyaaro garoonka tan iyo markii ay maxkamada sarre ee Spain ay xabsi ku xukuntay siyaasiyiinta Catalonia.

Waxaa laga cabsi qabaa in mudaharaadka uu sii balaarto, waana sababta maamulka horyaalka ay u codsanayaan in ciyaarta laga wareejiyo Camp Nou loona wareejiyo Bernabeu.

Mudaharaadyada socda waxa ay saameyn ku yeelanayaan safarka Barcelona ay ku aadeyso Eibar isbuuca soo socda iyadoo la sheegay inay bas u qaadan doonaan gobolka Basque oo 550 kiilomitir u jira magaalada Barcelona madaama garoonka diyaaradaha uusan shaqeyneynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here