Maamulka Liverpool & Klopp Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Tababaraha.

0
174

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maamulka Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay taageere buuxa la garab taagantahay tababaraha kooxda ee Jurgen Klopp kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Liverpool ayaa kaliya badisay 4 kulan 12 kulan oo ay ciyaartay premier League xilli ay dhaawacyo dileen kooxda tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay Sky Germany, Klopp ayaa haysta taageerada buuxda ee milkiilayaasha kooxda Liverpool wax walba oo dhaca.

Sidoo kale tababare Klopp ayaa la sheegayaa in uuna diyaar u ahayn in uu iska casilo shaqada Liverpool isla markaas uu doonayo in uu sii xoojiyo kooxda.

Maamulka Liverpool ayaa Klopp u sheegay in ay xagaaga dambe siin doonaa lacag bada oo uu dib u dhis ugu sameeyo kooxda.

Sidoo kale Liverpool ayaa Klopp u xaqiijisay in ay xiddig khadka dhexe ah u keeni doonto marka la gaadho suuqa kala iibsiga January.