Maamulka Puntland oo imaaraadka Carabta kala wareegay gaadiid loogu talo galay dowladda hoose ee Garoowe

0
149

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad ay maamulka Puntland Kula wareegayay 13 Gaadiid ah oo ay Dowladda Imaaraadka ugu deeqday Dowladda Hoose ee Garoowe.

Gaadiidka ay maanta la wareegtay Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa ka kooban Cagaf-cagafyo, Dabdamis, Basas, Bukaan- Gawaari nooca xamuulka ah iyo kuwo yaryar , waxaana loogu talagalay in lagu dardargeliyo adeega Dowladnimo ee Xafiiska Degmadu u hayo Bulshada ku dhaqan Caasimadda Garoowe.

Warbixintan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan