Macalimiin kala socda Hiiraan, Galgaduud iyo shabeellaha dhexe oo tababar looga furay Baladweyne.

0
121

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Machadka tababarka macalimiinta Gobolada dhexe ee dalka oo ku yaalla Xaafadda Ceel-jaalle ee magaalada Baladweyne ayaa manta laga daahfuray tababarka macalimiintii kusoo baxay imtixaan ay dhawaan qaadday wasaaradda waxbarashada soomaaliya.

Tababarkan ayaa waxaa ka faa-ideeysanaya 420 macalin kuwaasi oo ka kala yimid Gobolada Galgaduud, Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.