Macalimiin tababar dhameeyay oo imtixaan looga furay magaalada Baladweyne.

0
108

Baladwayne ( Radio Beerlula )-In ka badan 400 oo macalin oo muddo laba bilood ah tababar uu uga socday Magaalada Baladweyne ayaa maanta u fariistay Imtixaan lagu qiimeynayo waxa ay ka kororsadeen koorsooyinkii ay qaateen

Macalimiintan oo haween ay ka qeyb yihiin ayaa ka kala socoda Hiiraan iyo shabeellaha dhexe, waxana imtixaankani u socon doonaa muddo afar maalmood ah.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.