Macalimiin tababari doonta howlwadeennada barnaamijka Marwo caafimaad oo tababar loogu soo xiray Muqdisho.

0
223

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirtay macallimiinta tababari doonta shaqaalaha mashruuca Caafimaadka Bulshada ee ( Marwo Caafimaad).

Tababarkan oo socday mudo 15 maalin ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Caafimaadka XFS waxaana kaso qeyb galay xiritaanka tababarka mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo macallimiin kagala socday shanta maamul goboleed iyo gobolka banaadir.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.