Macallin Ardeygiisi toogtey xilli uu imtixaan ku jirey

0
49

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Macallin dhigayey jaamacad laga barto caafimaadka oo ku taal dalka Bangladesh ayaa la xiray, maalmo ka dib markii uu xabad ku dhuftay arday imtixaan u fadhiyey.

Rayxaan Shariif ayaa la xiray, dabeedna shaqada laga joojiyey markii ardaydii jaamacaddu ay ku dhaqaaqeen mudaharaad looga soohorjeedo weerarka lagu qaaday saaxiibkood.

BBC oo iskudyday in ay macluumaad dheeri ah ka hesho sababta ka dambeysey dhacdan ayeysan u suurtogelin in ay la hadasho labada dhinac, maadaama midna isbitaal jiifo, kan kelana an weli qareen loo qaban.

Warbaahinta gudaha ayaa magaca dhibbanaha ku sheegtay Carafaat Amiin Tomal oo 23 jir ah, kaas oo hadda ka soo kabanaya dhaawac ka so gaarey jilibka.

Macallin Shariif ayaa wuxuu qori la soo galay fasal ay fadhiyeen 45 arday, ka dibna wuxuu xabad ku ridey ardayga dhaawacmay. Nasiib wanaag qaar ardayda ka mid ah ayaa macallinka isku duubay oo qol ku soo xiray, ka hor intii aan booliska loo yeerin.

Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Sirajganj ee waqooyig galbeed ee Bangladsh ayaa aad loola anfariirey markii la ogaadey in booliska ay ku qaadatay labo maalmood in ay xiraan ninka falka geystey.