Macaluusha ka jirta Suudan oo horseeday in dadka ay cunaan caleemaha iyo dhuxusha.

0
114

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dadka Reer Suudaan ayaa baahi darteed u cunaya caleemaha iyo dhuxusha si ay u badbaadaan ka dib markii ay ka carareen weerar lagu qaaday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo u dhow magaalada el-Fasher, sida ay BBC-da u sheegtay hay’ad gargaar.

Dadku waxay ka qaxayaan el-Fasher iyagoo u socda Tawila, laakiin, qaarkood harraad ayay u dhimanayaan, iyaga oo 40km uga soo safray xerada Zamzam xili uu jiro kulayl “ayuu madaxa hawlgallada Golaha Qaxootiga Norway Mr Taylor.

Si kastaba ha ahaatee, dhibaatooyinka maalgelin la’aanta ayaa horseeday in QM ay dhinto cunnada gargaarka ah ee ay geyso meelaha ay macaluushu ku dhufatay ee dalka Suudaan.

Colaada ka jirta dalka Suudaan labadii sano ee u dambeysay ayaa waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 150,000 oo qof, halka ilaa 13 milyan oo qof in ay guryahooda ka qaxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here