Madal looga hadlayay dhismaha garoonka diyaaraha ugaas khaliif oo lagu qabtay Baladweyne

0
72

Baladwayne  ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay madal looga hadlayay sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa dhismaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo markasta howlihiisa ay hakiyaan roobabka ka da’a magaalada maadaam qeybta ranweyga ay fadhistan biyaha ka soo rogmada buuraha kaga teedsan dhanka bari iyo waadiyasha soo gala.

Madashan oo uu soo qaban qaabiyay machadka Hiigsi ayaa waxaa ka qeyb galay waxgarad, aqoonyahanno, iyo dhalinyaro kuwaasoo madashan ku soo bandhigay qaabka ugu haboon ee lagu dhisi karo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi saneey