Madarasad si lacag la’aan ah wax lagu bari doono agoonta iyo waayeelka oo laga hirgeliyay Baladweyne.

0
186

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ifraax Xasan Dhaqane oo kamid ah haweenka magaalada Baladweyne oo gacan ka heleysa gabdho kale oo soomaaliyeed ayaa waxa ay fureen madraso qur,aanka lagu bari doono caruurta danyarta iyo hooyooyinka aan markii hore fursada uhelin in ay wax bartaan.

Madrasadan oo laga hirgiliyay xaafada Buundaweyn ee magaalada Baladweyne ayaa hirgilinteeda waxaa qeeyb weyn ka qaatay haween qurbajoog ah iyo kuwo kusagan gudaha dalka waxa ayna noqon doontaa mid si bilaash ah wax loogu barto.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamad Maxamuud.