Baladweyne ( Radio Beerlula )Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya Ka daah furtay imtixaanka Qaranka oo ay sanad waliba ay qaado wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
Munaasabadda lagu daah furayey Imtixaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Farah Sheikh Abdulkadir, Wasiiru dowlaha wasaaradda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Masuuliyiin kale.
Imtixaanka sanadkaan ayaa waxaa u fariistay 33,700 oo arday, oo ku galayo 114 goobood oo ku yaallo caasimadda iyo gobollada Dalka marka laga reebo Ardayda Degmada Baladweyne kuwaas oo ay saameyn ku yeelatay Fatahaada wabiga Shabbeelle.
Warbixintaan waxa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.