Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in cid kasta oo ka qaybqaadanaysa dhac iyo dab qabadsiin goobaha ganacsiga ama xarumaha dowladda xilliyada mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo in “lugaha laga toogto”.
Weerarada lagu qaado saldhigyada booliiska ama saraakiisha ayuu sheegay Mr Ruto in loo qaadan doono “ku dhawaaqid dagaal” oo ka dhan ah Kenya.
Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii ay magaalada caasimadda ah ee Nairobi ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, kuwaasi oo isku bedelay rabshado.
Guddiga xuquuqul insaanka ayaa sheegay in 31 qof ay ku dhinteen in ka badan boqolna ay ku dhaawacmeen iska horimaadyada.
Dhallinyarada Kenyanka ah ayaa si isdaba joog ah isugu soo baxay waddooyinka bilihii la soo dhaafay, iyaga oo ka careysan musuqmaasuqa, dhaqaale xumada iyo eedeymaha arxan darada ah ee booliska.


