Madaxwayne ka carooday qish lagu sameeyay imtaxaanka qaranka ee dugsiyada sare.

0
274

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxwaynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa si aad ah uga carooday qish la sheegay in lagu sameeyay imtaxaanada dugsiyada sare ee dalkaasi.

Madaxwayanha ayaa wasiirkisa waxbarshada siiyay muddo toddobaad ah in uu ku keeno ciddii ka dambeysay bixinta qishka imtaxaanka.

Qishkani baxay ayaa waxaa uu horseeday in gabi ahaanba waxba kama jiraan laga soo qaado imtaxaanada dugsiyada sare ee sanadkan la galay.

Waxaa uu sidoo kale madaxwaynaha ku baaqay in gabi ahaanba la badalo guddiga imtaxaanaadka qaranka dalkaasi Malawi.

Ardeyda ayaa dibadbax ka dhigay qeybo ka mid ah dalkaasi ka dib markii imtaxaanka waxba kama jiraan laga soo qaaday.

Qaar ka mid su’aalaha warqadahaa imtaxaanka ayaa la bixiyay taasi oo horseeday in qish baahsan uu hareeyo imtaxaanaadka dugsiyada sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here