Madaxwene Ruto oo kala diray goloha wasiirrada.

0
110

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta kala diray dhammaan Golihiisii Wasiirada marka laga reebo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Ruto ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday xeer ilaaliyaha guud ee Kenya.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis todobaadyadii u dambeeyay Ruto uga imanayay baarlamanka Kenya oo ka dalbanayay inuu eryo wasiiro ay ku sheegeen kuwa fadhiid ah, musuq-maasuq badan, oo aan howshii loo igmaday qaban karin.

Kenya ayaa la daalaa dhaceysa natijooyinkii ka dhashay dibad-baxyo waddankaasi oo dhan qarqiyay oo looga soo horjeeday siyaasadda dowladda Ruto ee dhinaca maaliyadda iyo canshuuraha, taasi oo markii dambe uu madaxweynuhu ka noqday.

Dibaxbaxyada Kenya oo ay dhallinyarada hogaamineysay ayaa dalkaasi ka abuuray mushkiladii ugu weyneyd labada sano ee uu Ruto xukunka hayo.