Madaxweyinii la riday ee Gabon iyo labadiisa wiil oo cuntada ka soomay

0
74

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Gabon Cali Bongo iyo labdiisa wiil ayaa cuntada ka soomay, iyagoo ka ashtakoonaya ‘’jirdil iyo tacdi kale’’, sida laga soo xigtay qareenada qoyska.

Bongo ayaa xukunka looga qaaday afgambi milatari bishii August ee sanad kii la soo dhaafay, wax yar uun kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee lagu murmay.

Cali Bongo iyo labadiisa wiil ee Jaliil iyo Bilaal ayaa markaa dabadeed la dhigay xabsi guri caasimadda Libreville.

Milatariga xukunka haya ayaa sidoo kale jeelka dhigay xaaskiisa Sylvia Bongo iyo wiilkiisa curadka ah Nuuradiin, iyagoo ku eedeysan musuq maasuq, waana maxkamad sugayaal.

Qoraal ay soo saareen qareennada qoyska ayaa lagu sheegay in Sylvia iyo Nuuradiin la garaacay intii ay xirnaayeen.