Madaxweynaha Bayern Munich oo xaqiijiyay in Lewandowski uu ku biirayo Barcelona

0
164

Baladweyne (Radio Beerlula)- Madaxa Bayern Munich ee Oliver Kahn ayaa qirtay in kooxda ay heshiisa la gaartay Barcelona, kaasoo ku aadan in weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski uu u wareego garoonka Camp Nou inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Saraakiisha Bayern Munich ayaa diiday fikradda ah inay iska iibiyaan Lewandowski xagaagan,  waxayna arrintan ku shaaciyeen dhowr bayaan oo hore.

Si kastaba ha ahaatee, ku adkaysashada ciyaaryahanka ee ah inuu baxo, iyo soo bandhigida Barcelona dalab ku haboon, ayaa keentay inay bedelaan go’aankooda, gaar ahaan maadaama qandaraaska Lewandowski uu dhacayo hal xilli kaliya kaddib.

Haddaba sida laga soo xigtay wargeyska Marca ee dalka Spain Madaxa Bayern Munich ee Oliver Kahn, ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Dalabkii aan helnay waxa uu noo ahaa mid macquul ah, wax faa’iido ah malahan inaan sii heysano.”

“Markaa ugu danbayntii waxaan go’aansanay inaan u fasaxno Lewandowski, inuu saxiixo heshiiska uu ugu biirayo kooxda Barcelona.”

Yeelkeeda, Lewandowski ayaa maanta kasoo muuqday tababarka kooxda Bayern Munich, waxaana uu macsalaameeyay saaxiibadiis, kahor inta uusan aadin Barcelona si uu u saxiixo heshiiska uu ugu biirayo kooxda ka dhisan gobolka Catalonia.

Ilo wareedyo badan ayaa xaqiijinaya in Barcelona ay kula heshiisay Bayern Munich in ay kaga iibsato  Robert Lewandowski adduun dhan 45 ilaa 50 million euros.