Madaxweynaha FIFA oo shaaca ka qaaday waqtiga ugu dhow ee dib loogu soo laaban doono ciyaarista kubadda cagta

0
275

Baladweyne(Radio Beerlula)-Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta adduunka ee “FIFA” Gianni Infantino ayaa cadeeyay waqtiga ugu dhow ee dib loogu soo laaban doono ciyaarista kubadda cagta.

Gianni Infantino ayaa sheegay in xaalada adag ee jirta ay sababtay dhimashada dad badan, wuxuuna sharaxay in hadda tirada waxyeelada faafaha Coronavirus ee dalka Talyaaniga uu hoos u dhacay, sababtoo ah waxay bilaabeen inay raacaan tilmaamaha, isla markaana ay joogaan guryahooda dhawaantan.

Haddaba Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta adduunka ee “FIFA” Gianni Infantino oo ka hadlayay xilliga dib loo ciyaari doono kubadda cagta ayaa wuxuu yiri:

“Xaqiiqdii, waxaan dooneynaa soo laabashada kubadda cagta, laakiin waxaa iska cad in caafimaadka uu yahay muhiimada koowaad maanta, waana inaan u hogaansanaa tilmaamaha, tani waa arrin ixtiraameysa dadka la dhibaateysan xanuunka iyo dhaqaatiirta”.

“Dhibaatadan waxay u muuqatay heer caalami ah Adduunka iyo waliba kubadda cagta, waxaa na saameynaya wax kasta oo dhaca, marka ay nolosha ku soo noqoto sidii ay horey u ahayd, Kubadda cagta waa inay door muhiim ah ciyaarto.”

“Ilaa inta ay khatar jirto, iyo inta ay bini’aadamka khatar ku jiraan, kuma soo noqon karno inaan ciyaarno, waxaan ku laaban doonaa ciyaarta marka uu qof walba soo kabsado oo aan nabad noqono”.

“Ma go’aamin karno taariikhda ay dib u soo noqon doonaan tartamada… ma garanayo, laakiin waxaa laga yaaba bilaha July ama August”.

“Ma ahan inaan culeys saarno nafteena, waxaana u baahanahay inaan fahamno xaalada oo aan wada hadalno oo aan isku diyaarino … marka ay dawladuhu inoo sheegaan inaan talaabo qaadi karno diyaar ayaan noqon doonaa”.

“Laakiin cadaalad ma ahan iyadoo ay dad badan dhibaato ku jiraan inaan dhahno waxaan dooneynaa inaan sida ugu dhaqsaha badan u ciyaarno, waan ciyaari doonaa markaan awoodno.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here