Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee Baladweyne, dhismaha jidadka burbursan ee magaalada iyo mideynta canshuuraha gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.
Kulanka oo lagu qabtay xerada lama galay ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo saraakiil ka tirsan ciidamada.
Wasiirka madaxtooyada Hirshabeelle Cabdulahi Maxamed Cadow ayaa ka waramaya ahmiyadda kulanka.