Madaxweynaha Kenya oo ka joojiyey shaqada xubno katirsan guddiga doorashada

0
120

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa shaqada ka joojiyay afar xubnood oo kamid ah guddiga doorashada, oo diiday inay ansixiyaan natiijadii doorashadii madaxtinimo ee u danbeysay, taasoo keentay guushiisa.

Ruto ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in maxkamad uu madax u yahay garsoore ay baaritaan ku sameyn doonto afartan mas’uul, oo lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharciga, kuna kaceen anshax-xumo weyn iyo xil gudasho la’aan, taasoo keeni karta in ugu dambeyn laga eryo xilalka ay hayeen.

Balse hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, ayaa ku tilmaamay tillaabada Ruto inay tahay qorshaha dowladda, ee ku aadan musuq maasuq lagula kacayo doorashada soo socota, ee dhacaysa sanadka 2027-ka.

Ku dhawaaqista Ruto ee maxkamadda, ayaa daba socota soo jeedintii golaha qaranku ee ahaa in shaqada laga joojiyo guddiyada doorashada, sababo la xiriira hab-dhaqankooda intii lagu guda jiray doorashada Ogosto ee sanadkan.

Ruto ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada, kadib markii uu si dirqi ah uga adkaaday musharaxii la tartamayey ee Odinga, oo helay 50.5% codadkii la dhiibtay.