Madaxweynaha koofur-galbeed oo baaydhabo ka daahfurey Mashaariicda Xaldoon iyo Nagaad.

0
74

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo ka daah-furey Mashaariicda Xaldoon iyo Nagaad oo ah Mashaariic wax loogu qabanayo Dadka Saamaysay Is bedelka Cimilada iyo Abaaraha.

Munaasabada daahfurka mashaariicda waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Safiirka Midowga Yurub, Wasiirka Cadaalada XFS, Goliyaasha maamulka Koonfur Galbeed iyo Marti Sharaf Kale.

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq