Madaxweynaha Koonfur Afrika oo laga helay cudurka COVID-19

0
128

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xafiiska madaxweynaha Koonfur Afrika, ayaa sheegay in Madaxweyne Cyril Ramaphosa, laga daweynayo cudurka Covid-19 oo ku dhacay.

War bixin xafiiskiisu soo saaray ayaa lagu sheegay in astaamaha cudurka ee ka muuqda madaxweynaha oo haatan 69 jir ahi ay yihiin kuwo khafiif ah oo uu haatan keligii meel u gaar ah ku sugan yahay magaalada Cape Town.

Koonfur Afrika waxa haatan ku sii kordhayey tirada dadka uu cudurku ku dhacayo tan iyo intii dalkaas laga helay firka cusub ee fayraksa korona ee Omicorn la yidhaa bishii Noofember.

Madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Ramaphosa laga helay maalintii Axadda, wuxuuna horey ugu wakiishay dhammaan mas’uuliyadihiisii madaxweyne ku xigeenka David Mabuza inuu sii hayo “todobaadka soo socda oo dhan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here