Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Koonfur Afrika Ramaphosa ayaa sheegay in ay mashaakil heer qaran ah tahay in shaqo la’aanta dhallinyaradu ay 50% marayso, hadalkaas ayuu yiri isaga oo jeedinaya khudbaddiisii u horraysay ee uu qaranka u jeediyo tan iyo markii xisbigiisa ANC uu ku guulaystay doorashadii guud ee ka dhacday dalkiisa bishii May.
Wuxuu sheegay in uu dhallinyarada u abuuri doono labo milyan oo shaqo tobanka sano ee soo socda.
Koboca dhaqaalaha, shaqo abuuridda, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka ayuu ka dhigay waxyaabaha uu dalkaasi ahmiyadda saarayo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in uu xoojin doono shirkadda quwadda korontada ee Eskom.
Ramaphosa ayaa dhanka kalana sheegay in uu damacsan yahay in qorsheyaal waawayn ka fuliyo dalkiisa.
Wuxuu sheegay in uu doonayo in uu dhiso tareenka aadka u dheereeya iyo magaalo aad casri ah ama caaqil ah sida dalka Shiinaha oo kale.