Baladweyne(Radio Beerlula)- Ilo wareedyo laga helay waaxda caddaaladda dalka Faransiiska ayaa sheegaya in madaxweynaha naadiga kubadda cagta eePSGlagu soo oogay eedo la xirira musqus maasuq, oo ah habka loo maamulay tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka.
Nasser Al-Khelaifi oo sidoo kale ah gudoomiyaha Qatari media groupayaa baaritaano lagu sameynayay tan iyo bishii Maarso waxaana lala xirirayaydalabka guushii qadar ee sanadkaniyo iksu daygii fashilamayee ciyaarihii 2017-kii.
Tallaabadan oo uu qaaday garsoore baaritaan waday ayaa ka dhigan in Nasser al-Khelaifi uu hadda si rasmi ah u yahay qof la tuhunsan yahay oo diiradda lagu saarayo baaritaan ballaaran oo faransiisku uu ku hayo shabakad lagu eedeeyay musuqmaasuq mar dhibaato galiyay ciyaaraha fudud ee adduunka.
Baaritaankan dadka lagu sameynayo waxaa udub dhexaad u ah Lamine Diack oo ah madixii hore ee ururka ciyaaraha fudud ee caalamiga ah ee IAF.
Mr al–Khelaifi ayaa lala xiriiriyay inuu labo jeer lacag ka qaatay maalgashadeyaal u dhashay dalka Qadar.
Isku darka lacagtaas ayaa la sheegay inuu ahaa nus malyan doolar, wuxuuna sanadkii 2011-kii ku sameystay shirkad uu maamulkeeda u dhiibay wiil uu dhalay Mr Diack.
Garsooreyaasha baaritaanka ku guda jira ayaa Mr Diack qudhiisa ku eedeeyay inuu dalka Qadar ugu eexday isku daygii guul darreystay ee horyaalnimada ciyaaraha fudud 2 sano ka hor, isagoo eexdaasna ugu sameynayay si uu laaluush uga qaato.
Hase yeeshee, isaga iyo wiilkiisuba waxay beeniyeen inay wax khalad ah sameeyeen.