Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo sheegay inay wax ka qaban doonaan duruufaha heysta booliska gobolka Hiiraan

0
623

Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabadan oo aheyd mid lagu dhiiri gilinayay , ciidanka booliska gobolka Hiiraan ,  ayaa lagu qabtay  saldhiga  booliska magaalada Baladweyne, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha dowlad goboleedka hirshabeelle Maxamad Cabdi Waare wasiiro ,xildhibaano ka tirsan hirshabeelle maamulka gobolka Hiiraan saarakiil ka socotay AMISOM iyo kuwa xooga dalka ee gobolka.

Taliyaha ciidamada booliska hirshabeelle col xasan dhicisoow ,sii hayaha taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan, col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle  ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay ku shaqeeyaan ciidanka booliska iyagoona dowlada dhexe iyo madaxda hirshabeelle ka codsaday in wax ka qabtaan dhibaatooyinka heysta booliska.

Dable Xassan Maxamuud Guure oo ka mid ah ciidamada booliska gobolka Hiiraan ayaa gabay ku cabiray durufaha heysta ciidamada booliska.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamad Cabdi Waare iyo wasiirka amniga Hirshabeelle Cabduqaadir Aadan jeelle ayaa sheegay in dowlada soomaaliya u balan qaaday in ay bixin doonto mushaarka ciidanka booliska hadii ay bixin weysana ay balan qaadayaan in ay hirshabeelle bixin doonto mushaarka ciidanka booliska.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here