Madaxweynaha Mali oo ka codsaday shacabka dalkiisa inay la shaqeeyaan ciidammada

0
248

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Mali ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa inay la shaqeeyaan militariga dalkaas si niyadda loogu dhiso kaddib weerarki dhawaan koox jihaad-doon ah ay ku dileen 50 kamid ah ciidammada Mali toddobaadkii lasoo dhaafay.

Ibraahim Boubakar Keita oo hadlayay markii ugu horreysay tan weerarkii lagu laayay ciidammadiisa ayaa ku baaqay in caalamka uu u midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxaha jihaad-doonka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya caradii ka dhalatay markii ay soo ifbaxeen weerarada sii kordhayo ay fulinayaan kooxaha jihaad-doonka oo uu muuqdo inay guulo gaareen.

Toddobo sanno ka hor ayay aheyd markii maleeshiyaad jihaad doon ah ay qabsadeen waqooyiga dalka Mali, taas oo horseeday in Faransiiska uu xaaladda soo dhexgalo.

Kumanaan ciidammo Faransiis ah ayaa howlgallo ka fuliya gobolka iyadoo ay wehliyaan ciidammada dalal ka tirsan galbeedka Afrika balse waxay ku guuldareysteen inay ka hortagaan weerarada ay fuliyaan maleeshiyaadka jihaad doonka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here