Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa magaalada Garoowe ka furay Shirka Jiheynta Xukuumadda oo muddo saddex Cisho ah socon doona.
Shirka waxaa ay ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Maxamuud Ciise, Golaha Joogtada ah Baarlamaanka, Golaha Garsoorka, Golaha Xukuumadda , Agaasimeyaasha Wasaaradaha, Hay’adaha Madaxa banaan iyo Khuburo Madaxa banaan iyo marti sharaf kale.
Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin.