Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay Hay,adaha ka howlgala deeganada Buntland

0
167
Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa kulan la qaatay Madaxda iyo Wakiillada Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Puntland.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Hay’adaha Qaramada Midoobey, Qorshaha 5-ta sano ee Dowladda oo qeyb ka tahay siyaasadda horumarinta Puntland, isagoo usoo jeediyay in loo baahanyahay iswaafijinta qorshaha Dowladda iyo Mashaariicda ay Hay’aduhu Dalka ka fullinayaan.